Innal-hasanati yudhhibnas-sayyi'at

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَ طَرَفَيِ ٱلنَّهَارِ وَزُلَفٗا مِّنَ ٱلَّيۡلِۚ إِنَّ ٱلۡحَسَنَٰتِ يُذۡهِبۡنَ ٱلسَّيِّـَٔاتِۚ ذَٰلِكَ ذِكۡرَىٰ لِلذَّٰكِرِينَ ١١٤

Wa aqimis-salawāta tarafayin-nahāri wazulafam minal-layli innal-hasanāti yudhhibnas-sayyi'āti dhālika dhikrā lidh-dhākirīn

114. Oog salaaddana labada dacal ee maalinta iyo saacado ka mid ah habeenka. Hubaal, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun 30, arrinkani waa u waano kuwa waana qaata 31.

Faallooyin hoose

30. Mar baa nin wuxuu dhunkaday haweeney ajanabi ka ah. Markaasuu u yimid Nabiga s.c.w. oo u sheegay. Markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan: «Oog salaadda labada dacal ee maalinta, iyo saacado ka mid ah habeenka, xaqiiq, xasanaadka (camallada wanaagsan halkan waxaa loola jeedaa shanta salaadood ee faralka ah) waxay tirtiraan oo meesha ka saaraan falalka xun ( denbiyada yar yar)». (Q 11:114) Ninkii wuxuu weydiiyey Rasuulkii Alle s.c.w.: Ma aniga oo keliya baa tani iska leh? Nabigu s..c.w wuxuu yidhi: Waxaa leh ummadeyda intii I raacday oo idil. (W.w. Al-Bukhaari)

31. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle Ka cabso meel kastoo aad joogtid, oo raaci xumaanta samaan kaa tirtirta, oo kula soco dadka dabeecad wanaagsan. W.w.At-Tirmidi

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Akhri Suuradda Hud oo dhan

Su'aalo

Innal-hasanati yudhhibnas-sayyi'at Qur'aanka xagee kaga jirtaa?

Innal-hasanati yudhhibnas-sayyi'at waxay ku jirtaa Suuradda Hud, 11:114.