ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡحَيُّ ٱلۡقَيُّومُۚ لَا تَأۡخُذُهُۥ سِنَةٞ وَلَا نَوۡمٞۚ لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ مَن ذَا ٱلَّذِي يَشۡفَعُ عِندَهُۥٓ إِلَّا بِإِذۡنِهِۦۚ يَعۡلَمُ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡۖ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيۡءٖ مِّنۡ عِلۡمِهِۦٓ إِلَّا بِمَا شَآءَۚ وَسِعَ كُرۡسِيُّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَۖ وَلَا يَـُٔودُهُۥ حِفۡظُهُمَاۚ وَهُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡعَظِيمُ ٢٥٥
Allāhu lā ilāha illā huwal-hayyul-qayyūmu lā ta'khudhuhū sinatun walā nawmul lahū mā fis-samāwāti wamā fil-ardi man dhal-ladhī yashfa'u 'indahū illā bi idhnihī ya'lamu mā bayna aydīhim wamā khalfahum walā yuhītūna bishay'im min 'ilmihī illā bimā shā'a wasi'a kursiyyuhus-samāwāti wal-arda walā ya'ūduhū hifzuhumā wahuwal-'aliyyul-'azīm
255. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha iyo Maamulaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara Isagoo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah. Ma koobi karaan (uumankiisa) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu doono ma’ahee. Kursigiisu 71 wuu ka ballaadhan yahay samooyinka iyo arlada, mana cusleeyaan ilaalintoodu 72, waana Sarreeyaha weyn 73.
Faallooyin hoose
71. Kursiga waa halka cago dhigashada Alle Cazza Wajalla, mana jiro cid og sida uu yahay, waana inaan la isku khaldin Kursiga iyo Carshiga, Carshiga waa ka weyn yahay Kursiga oo wuxuu u yahay sida farraati yar ee lagu tuuray dhul hayjad ah. waxaa sidoo kale lagu fasiray Kursiga Cilmiga Alle.
72. Nabigu s.c.w. wuxuu mar weydiiyey Ubay bin Kacab: Aayaddee baa u weyn Qur’aanka? Ubay wuxuu ku jawaabay: Alle iyo Rasuulkiisa baa iga sii ogsoon. Markaasuu Nabigu s.c.w. mar kale weydiiyey: Ubay wuxuu yidhi: Aayatul Kursi. Markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ha kuu shifoobo cilmiga Abuu Mundirow.
73. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii akhrista Aayatul Kursi habeenka marka uu seexanayo wuxuu Alle u yeelaa malag waardiya ah oo ilaaliya, umana soo dhowaado shaydaan ilaa waagu baryo”.