Suuradda At-Talaq, aayadda 1

65:1

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِذَا طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَطَلِّقُوهُنَّ لِعِدَّتِهِنَّ وَأَحۡصُواْ ٱلۡعِدَّةَۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ رَبَّكُمۡۖ لَا تُخۡرِجُوهُنَّ مِنۢ بُيُوتِهِنَّ وَلَا يَخۡرُجۡنَ إِلَّآ أَن يَأۡتِينَ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖۚ وَتِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۚ وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ ٱللَّهِ فَقَدۡ ظَلَمَ نَفۡسَهُۥۚ لَا تَدۡرِي لَعَلَّ ٱللَّهَ يُحۡدِثُ بَعۡدَ ذَٰلِكَ أَمۡرٗا ١

Yā'ayyuhan-nabiyyu idhā tallaqtumun-nisā'a fatalliqūhunna li'iddatihinna wa ahsul-'iddata wattaqullāha rabbakum lā tukhrijūhunna mim buyūtihinna walā yakhrujna illā an ya'tīna bifāhishatim mubayyinatin watilka hudūdullāhi waman yata'adda hudūdallāhi faqad zalama nafsahū lā tadrī la'allallāha yuhdithu ba'da dhālika amrā

1. Nabiyow! Markaad furaysaan haween, fura iyagoo markaas ku jira waqtiga loo qabtay furitaanka 1, oo u tiriya (si dhan) maalmaha ciddada 'muddada ay sugayaan furitaanka kaddib' 2, Alle ka cabsada, Rabbigiin, ha uga saarina (xaasaskiinna) debedda guryahooda, yeysan iyaguna bixin (intay ciddada ku jiraan ee la soo ceshan karo) inay la yimaadaan maahee xumaan cad. Kuwaas waa soohdimaha uu dhigay Alle. Qofkii ka tillaaba soohdimaha uu dhigay Alle, wuxuu dulmiyey naftiisa. (Midka furayow xaaskiisa) ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Alle dib ka keeno xaal cusub 3.

Faallooyin hoose

1. Haweeni waxaa bannaan in la furo markuu dhammaado dhiigga caadadeeda oo ka daahir noqoto, ka hor inta aan loo galmoon ama iyadoo uur leh.

2. Waa inaan lagu dirqin inay baxaan ama is madax furtaan.

3. Sida inay ka xumaadaan waxa ka dhex dhacay ama uu jaceyl hor leh uu galo ninka iyo xaaskiisa oo isku soo noqdaan.