Suuradda Ar-Rum, aayadda 18

30:18

وَلَهُ ٱلۡحَمۡدُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَعَشِيّٗا وَحِينَ تُظۡهِرُونَ ١٨

Walahul-hamdu fis-samāwāti wal-ardi wa'ashiyyan wahīna tuzhirūn

18. (Alle) baana leh ammaan idilkeed iyo mahad samooyinka iyo arlada gudahood, oo mudan ammaan iyo mahdin Casarka iyo duhurnimadaba 6.

Faallooyin hoose

6. Salaadaha Duhurka iyo Casarka. Cashiyyan waxaa sidoo kale lagu fasiray habeenka waqtiga caweysinka - Cishaha.