وَلَا يَأۡتَلِ أُوْلُواْ ٱلۡفَضۡلِ مِنكُمۡ وَٱلسَّعَةِ أَن يُؤۡتُوٓاْ أُوْلِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينَ وَٱلۡمُهَٰجِرِينَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِۖ وَلۡيَعۡفُواْ وَلۡيَصۡفَحُوٓاْۗ أَلَا تُحِبُّونَ أَن يَغۡفِرَ ٱللَّهُ لَكُمۡۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٌ ٢٢
Walā ya'tali ulul-fadli minkum was-sa'ati an yu'tū ulil-qurbā wal-masākīna wal-muhājirīna fī sabīlillāhi walya'fū walyasfahū alā tuhibbūna an yaghfirallāhu lakum wallāhu ghafūrur rahīm
22. Yey ka dhaaranna kuwaa idinka mid ah ee leh fadliga dheeraadka ah ee ladan inay siiyaan (kaalmo) qaraabadooda, masaakiinta, iyo kuwa uga soo haajiray guryahooda Alle Dartiis. Ha iska cafiyeen hana saamaxeen. Miyeydaan jecleyn in Alle idiin denbi Dhaafo 11?Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Faallooyin hoose
11. Abuu Bakar a.k.r. markay soo degeen Aayadahan oo Alle yidhi: Miyeydaan jecleyn inuu Alle idiin denbi dhaafo? Wuxuu yidhi: Haayoo, waan jeclahay, wuxuuna dib u billaabay inuu siiyo Misdax oo ay qaraabo ahaayeen oo ka mid ahaa raggii beenta ka fidshay Caa’isha a.k.r. kaalmadii uu siin jirey, oo kafaara gud ka sameeyey dhaartii uu ka dhaartay.