بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ عَدُوِّي وَعَدُوَّكُمۡ أَوۡلِيَآءَ تُلۡقُونَ إِلَيۡهِم بِٱلۡمَوَدَّةِ وَقَدۡ كَفَرُواْ بِمَا جَآءَكُم مِّنَ ٱلۡحَقِّ يُخۡرِجُونَ ٱلرَّسُولَ وَإِيَّاكُمۡ أَن تُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ رَبِّكُمۡ إِن كُنتُمۡ خَرَجۡتُمۡ جِهَٰدٗا فِي سَبِيلِي وَٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِيۚ تُسِرُّونَ إِلَيۡهِم بِٱلۡمَوَدَّةِ وَأَنَا۠ أَعۡلَمُ بِمَآ أَخۡفَيۡتُمۡ وَمَآ أَعۡلَنتُمۡۚ وَمَن يَفۡعَلۡهُ مِنكُمۡ فَقَدۡ ضَلَّ سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ ١
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā tattakhidhū 'aduwwī wa'aduwwakum awliyā'a tulqūna ilayhim bil-mawaddati waqad kafarū bimā jā'akum minal-haqqi yukhrijūnar-rasūla wa iyyākum an tu'minū billāhi rabbikum in kuntum kharajtum jihādan fī sabīlī wabtighā'a mardātī tusirrūna ilayhim bil-mawaddati wa ana a'lamu bimā akhfaytum wamā a'lantum waman yaf'alhu minkum faqad dalla sawā'as-sabīl
1. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina cadowgeyga iyo cadowgiinna saaxiibbo 1, idinkoo u muujinaya kalgaceyl xaggooda, iyagoo ku gaalooba waxa idiin yimid oo Xaq ah, oo u soo saaray debedda Rasuulka iyo idinkaba inaad rumeyseen Allaah, Rabbigiin darteed? Haddaad u soo haajirteen inaad u jihaaddaan Jidkeyga oo dooneysaan Raallinimadeyda (ha ka dhigannina gaalada sokeeyayaal), kuwaasoo aad qarsoodi ugu muujisaan kalgaceyl xaggooda, Aniguna (Alle ah) waan Ogahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba; qofkii idinka mid ahna oo sidan fala, wuxuu dhab ahaan ka lumay Jidka Toosan (ee Islaamka).
إِن يَثۡقَفُوكُمۡ يَكُونُواْ لَكُمۡ أَعۡدَآءٗ وَيَبۡسُطُوٓاْ إِلَيۡكُمۡ أَيۡدِيَهُمۡ وَأَلۡسِنَتَهُم بِٱلسُّوٓءِ وَوَدُّواْ لَوۡ تَكۡفُرُونَ ٢
In yathqafūkum yakūnū lakum a'dā'an wayabsutū ilaykum aydiyahum wa alsinatahum bis-sū'i wawaddū law takfurūn
2. Hadday gacanta sare idinka yeeshaan (gaaladu) waxay idiin noqon cadow, oo idin kula soo fidin gacmahooda iyo carrabyadooda xumaan, waxayna jecel yihiin inaad gaalowdaan.
لَن تَنفَعَكُمۡ أَرۡحَامُكُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُكُمۡۚ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَفۡصِلُ بَيۡنَكُمۡۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ ٣
Lan tanfa'akum arhāmukum walā awlādukum yawmal-qiyāmati yafsilu baynakum wallāhu bimā ta'malūna basīr
3. Qaraabadiinna iyo awlaadiinnu waxba idiinma tarayaan Maalinta Qiyaamaha. Wuu idin kala xukumi (oo idiin kala saari gaalo iyo mu'miniin). Alle wuu Arkaa waxaad fashaan.
قَدۡ كَانَتۡ لَكُمۡ أُسۡوَةٌ حَسَنَةٞ فِيٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥٓ إِذۡ قَالُواْ لِقَوۡمِهِمۡ إِنَّا بُرَءَٰٓؤُاْ مِنكُمۡ وَمِمَّا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ كَفَرۡنَا بِكُمۡ وَبَدَا بَيۡنَنَا وَبَيۡنَكُمُ ٱلۡعَدَٰوَةُ وَٱلۡبَغۡضَآءُ أَبَدًا حَتَّىٰ تُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ وَحۡدَهُۥٓ إِلَّا قَوۡلَ إِبۡرَٰهِيمَ لِأَبِيهِ لَأَسۡتَغۡفِرَنَّ لَكَ وَمَآ أَمۡلِكُ لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن شَيۡءٖۖ رَّبَّنَا عَلَيۡكَ تَوَكَّلۡنَا وَإِلَيۡكَ أَنَبۡنَا وَإِلَيۡكَ ٱلۡمَصِيرُ ٤
Qad kānat lakum uswatun hasanatun fī ibrāhīma walladhīna ma'ahū idh qālū liqawmihim innā bura'ā'u minkum wamimmā ta'budūna min dūnillāhi kafarnā bikum wabadā baynanā wabaynakumul-'adāwatu wal-baghdā'u abadan hattā tu'minū billāhi wahdahū illā qawla ibrāhīma li abīhi la astaghfiranna laka wamā amliku laka minallāhi min shay'ir rabbanā 'alayka tawakkalnā wa ilayka anabnā wa ilaykal-masīr
4. Waxaa idiinku sugan ku dayasho wanaagsan Ibraahiim iyo kuwii la jiray 2, markay ku yidhaahdeen dadkoodii: Innagu barii baan idinka nahay idinka iyo waxaad caabuddaan Alle sokadi, idin diidnay, oo cadaawad iyo naceyb baa ahaaday dhexdeenna innaga iyo idinka abad ah jeer aad rumaysaan Alle keliya - marka laga reebo qowlkii Ibraahiim ku yidhi aabbihi: Waxaan kuu baryayaa denbi dhaaf Alle 3, umase lihi wax awood ah aan wax uun kaaga qabto Alle horti. Rabbigayow! Adigaynu ku tala saarannaa, oo Xaggaaga u soo laabannaa, waana Xaggaaga noqodka dambe.
رَبَّنَا لَا تَجۡعَلۡنَا فِتۡنَةٗ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ وَٱغۡفِرۡ لَنَا رَبَّنَآۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ٥
Rabbanā lā taj'alnā fitnatal lilladhīna kafarū waghfir lanā rabbanā innaka antal-'azīzul-hakīm
5. Rabbigayow! Ha nagu salladin gaalada, oo noo denbi dhaaf, Rabbigayow! Waa Adiga Adkaadaha, Xakiimka ah.
لَقَدۡ كَانَ لَكُمۡ فِيهِمۡ أُسۡوَةٌ حَسَنَةٞ لِّمَن كَانَ يَرۡجُواْ ٱللَّهَ وَٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَۚ وَمَن يَتَوَلَّ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡغَنِيُّ ٱلۡحَمِيدُ ٦
Laqad kāna lakum fīhim uswatun hasanatul liman kāna yarjullāha wal-yawmal-ākhira waman yatawalla fa innallāha huwal-ghaniyyul-hamīd
6. Waxaa dhab ahaan idiinku sugan ku dayasho wanaagsan uu raaco qofkii rajeeya Allaah oo (ku haya maanka) Maalinta Aakhiro. Kiise ka jeesta (Xaqa), hubaal Alle waa Hodanka, Ammaanan.
۞ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَجۡعَلَ بَيۡنَكُمۡ وَبَيۡنَ ٱلَّذِينَ عَادَيۡتُم مِّنۡهُم مَّوَدَّةٗۚ وَٱللَّهُ قَدِيرٞۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ ٧
'Asallāhu an yaj'ala baynakum wabaynal-ladhīna 'ādaytum minhum mawaddatan wallāhu qadīrun wallāhu ghafūrur rahīm
7. Waa intaasoo Alle yeelo kalgaceyl dhexdiinna idinka iyo kuwaad collaytanteen ee ka midka ah (gaalada oo soo islaamaan). Alle wax walba wuu Karaa 4. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
لَّا يَنۡهَىٰكُمُ ٱللَّهُ عَنِ ٱلَّذِينَ لَمۡ يُقَٰتِلُوكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَلَمۡ يُخۡرِجُوكُم مِّن دِيَٰرِكُمۡ أَن تَبَرُّوهُمۡ وَتُقۡسِطُوٓاْ إِلَيۡهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُقۡسِطِينَ ٨
Llā yanhākumullāhu 'anil-ladhīna lam yuqātilūkum fid-dīni walam yukhrijūkum min diyārikum an tabarrūhum watuqsitū ilayhim innallāha yuhibbul-muqsitīn
8. Alle idinkama reebayo kuwaan idinkula diririn arrinka diinta oo aan idiinka soo saarin debedda guryihiinna inaad u samo iyo caddaalad fashaan. Hubaal Alle waa jecel yahay kuwa caadiliinta ah.
إِنَّمَا يَنۡهَىٰكُمُ ٱللَّهُ عَنِ ٱلَّذِينَ قَٰتَلُوكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَأَخۡرَجُوكُم مِّن دِيَٰرِكُمۡ وَظَٰهَرُواْ عَلَىٰٓ إِخۡرَاجِكُمۡ أَن تَوَلَّوۡهُمۡۚ وَمَن يَتَوَلَّهُمۡ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ ٩
Innamā yanhākumullāhu 'anil-ladhīna qātalūkum fid-dīni wa akhrajūkum min diyārikum wazāharū 'alā ikhrājikum an tawallawhum waman yatawallahum fa ulā'ika humuz-zālimūn
9. Wuxuu Alle idinka reebayaa uun kuwa idinkula diriray diinta darteed oo idinka soo saaray guryihiinna, ama ku taageeray (kuwo kale) qixintiinna inaad ka dhigataan xulufo. Qofkii ka dhigta kuwaasi xulufo, waa kuwaas kuwa ah daalimiinta.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا جَآءَكُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ مُهَٰجِرَٰتٖ فَٱمۡتَحِنُوهُنَّۖ ٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِإِيمَٰنِهِنَّۖ فَإِنۡ عَلِمۡتُمُوهُنَّ مُؤۡمِنَٰتٖ فَلَا تَرۡجِعُوهُنَّ إِلَى ٱلۡكُفَّارِۖ لَا هُنَّ حِلّٞ لَّهُمۡ وَلَا هُمۡ يَحِلُّونَ لَهُنَّۖ وَءَاتُوهُم مَّآ أَنفَقُواْۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ أَن تَنكِحُوهُنَّ إِذَآ ءَاتَيۡتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّۚ وَلَا تُمۡسِكُواْ بِعِصَمِ ٱلۡكَوَافِرِ وَسۡـَٔلُواْ مَآ أَنفَقۡتُمۡ وَلۡيَسۡـَٔلُواْ مَآ أَنفَقُواْۚ ذَٰلِكُمۡ حُكۡمُ ٱللَّهِ يَحۡكُمُ بَيۡنَكُمۡۖ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ ١٠
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū idhā jā'akumul-mu'minātu muhājirātin famtahinūhunnallāhu a'lamu bi īmānihinna fa in 'alimtumūhunna mu'minātin falā tarji'ūhunna ilal-kuffāri lā hunna hillul lahum walā hum yahillūna lahunna wa ātūhum mā anfaqū walā junāha 'alaykum an tankihūhunna idhā ātaytumūhunna ujūrahunna walā tumsikū bi'isamil-kawāfiri was'alū mā anfaqtum walyas'alū mā anfaqū dhālikum hukmullāhi yahkumu baynakum wallāhu 'alīmun hakīm
10. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Hadday idiin yimaadaan haween mu’minooyin ah iyagoo ka soo haajiray (gaalada), imtixaama (inuu dhab ka yahay Iimaanka iyo in kale); Alle baa aad u ogsoon iimaankooda, haddaad ogaataan inay yihiin mu’minooyin dhab ah, ha u celinnana gaalada, uma aha (dumarkani) xalaal iyaga, umana aha (nimanka gaalada ah) xalaal iyaga oo siiya (nimakoodii hore ee gaalada ah waxay bixiyeen) meher ahaan. Ma jiro wax denbi ah oo korkiinna ah inaad guursataan markaad siisaan meherradooda, hase u haysannina haweenka gaalada (mushrikiinta) ah xaasas ahaan, oo weydiista (in la idiin soo celiyo) waxaad bixiseen (meher ahaan) iyaguna (gaalada) ha weydiistaan in dib loogu soo celiyo waxay bixiyeen (meher ahaan). Kaasu waa xukunka Alle, Isaga baa idin kala xukumi. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
وَإِن فَاتَكُمۡ شَيۡءٞ مِّنۡ أَزۡوَٰجِكُمۡ إِلَى ٱلۡكُفَّارِ فَعَاقَبۡتُمۡ فَـَٔاتُواْ ٱلَّذِينَ ذَهَبَتۡ أَزۡوَٰجُهُم مِّثۡلَ مَآ أَنفَقُواْۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِيٓ أَنتُم بِهِۦ مُؤۡمِنُونَ ١١
Wa in fātakum shay'um min azwājikum ilal-kuffāri fa'āqabtum fa'ātul-ladhīna dhahabat azwājuhum mithla mā anfaqū wattaqullāhal-ladhī antum bihī mu'minūn
11. Hadday wax ka mid ahi xaasaskiinna idinka aadaan xagga gaalada, markaas guul heshaan iyo qaniimo, siiya kuway xaasaskoodu tageen (oo gaalada ku biireen) wax u dhigma waxay bixiyeen 'oo meher ah' 5. Alle ka cabsada ee ah Kan aad rumaysan tihiin.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِذَا جَآءَكَ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ يُبَايِعۡنَكَ عَلَىٰٓ أَن لَّا يُشۡرِكۡنَ بِٱللَّهِ شَيۡـٔٗا وَلَا يَسۡرِقۡنَ وَلَا يَزۡنِينَ وَلَا يَقۡتُلۡنَ أَوۡلَٰدَهُنَّ وَلَا يَأۡتِينَ بِبُهۡتَٰنٖ يَفۡتَرِينَهُۥ بَيۡنَ أَيۡدِيهِنَّ وَأَرۡجُلِهِنَّ وَلَا يَعۡصِينَكَ فِي مَعۡرُوفٖ فَبَايِعۡهُنَّ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لَهُنَّ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ ١٢
Yā'ayyuhan-nabiyyu idhā jā'akal-mu'minātu yubāyi'naka 'alā al lā yushrikna billāhi shay'an walā yasriqna walā yaznīna walā yaqtulna awlādahunna walā ya'tīna bibuhtānin yaftarīnahū bayna aydīhinna wa arjulihinna walā ya'sīnaka fī ma'rūfin fabāyi'hunna wastaghfir lahunnallāha innallāha ghafūrur rahīm
12. Nabiyow! Markay kuu yimaadaan dumar mu’minooyin ah si ay kuugula ballantamaan inaysan u shariiik yeeleyn waxba la jirka Alle, inaysan wax xadeyn, oo zineysaneyn, oo aysan dileyn carruurtoo- da, oo la imaneyn masabbid ay iyagu naf ahaantoodu ku been abuuran gacmahooda iyo addimadooda 6, kuguna diideyn wixii wanaag ah aad amarto, markaa aqbal ballankooda, ugana bari Allaah inuu u denbi dhaafo. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَوَلَّوۡاْ قَوۡمًا غَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡ قَدۡ يَئِسُواْ مِنَ ٱلۡأٓخِرَةِ كَمَا يَئِسَ ٱلۡكُفَّارُ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلۡقُبُورِ ١٣
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā tatawallaw qawman ghadiballāhu 'alayhim qad ya'isū minal-ākhirati kamā ya'isal-kuffāru min ashābil-qubūr
13. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina sokeeye (ama saaxiibbo dhow) qolo Cadho Alle qaba (Yuhuudda), Aakhirana ka quustay, sidayba gaaladu (mushrikiinta) uga quusteen ehlu qubuurka.
Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.
Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.