Suuradda As-Saff الصف

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ١

Sabbaha lillāhi mā fis-samāwāti wamā fil-ardi wahuwal-'azīzul-hakīm

1. Waxaa xurmo weyneeya oo (xumaan ka) hufa Alle waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لِمَ تَقُولُونَ مَا لَا تَفۡعَلُونَ ٢

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lima taqūlūna mā lā taf'alūn

2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Maxaad u leedihiin (oo ugu baaqdaan dadka) wax aydaan falin?

كَبُرَ مَقۡتًا عِندَ ٱللَّهِ أَن تَقُولُواْ مَا لَا تَفۡعَلُونَ ٣

Kabura maqtan 'indallāhi an taqūlū mā lā taf'alūn

3. Waa wax uu Alle neceb yahay inaad ku hadashaan (oo amartaan dadka) wax aydaan falin.

إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلَّذِينَ يُقَٰتِلُونَ فِي سَبِيلِهِۦ صَفّٗا كَأَنَّهُم بُنۡيَٰنٞ مَّرۡصُوصٞ ٤

Innallāha yuhibbul-ladhīna yuqātilūna fī sabīlihī saffan ka annahum bunyānum marsūs

4. Xaqiiq Alle wuxuu jecel yahay kuwa ku dagaallama Jidkiisa iyagoo saf ah aad mooddo dhismo laysku dhajiyey.

وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ لِمَ تُؤۡذُونَنِي وَقَد تَّعۡلَمُونَ أَنِّي رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيۡكُمۡۖ فَلَمَّا زَاغُوٓاْ أَزَاغَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُمۡۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡفَٰسِقِينَ ٥

Wa idh qāla mūsā liqawmihī yāqawmi lima tu'dhūnanī waqat ta'lamūna annī rasūlullāhi ilaykum falammā zāghū azāghallāhu qulūbahum wallāhu lā yahdil-qawmal-fāsiqīn

5. (Xus, Nabi Muxammadow) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkayow! Maxaad ii dhibeysaan idinkoo og inaan ahay Rasuul Alle xaggiinna loo soo diray? Markay (Xaqii) ka iisheen, ayuu Allena sii iilay quluubtooda 1. Alle ma hanuuniyo qoloda fallaagada ah.

وَإِذۡ قَالَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ يَٰبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ إِنِّي رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيۡكُم مُّصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيَّ مِنَ ٱلتَّوۡرَىٰةِ وَمُبَشِّرَۢا بِرَسُولٖ يَأۡتِي مِنۢ بَعۡدِي ٱسۡمُهُۥٓ أَحۡمَدُۖ فَلَمَّا جَآءَهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ قَالُواْ هَٰذَا سِحۡرٞ مُّبِينٞ ٦

Wa idh qāla 'īsabnu maryama yābanī isrā'īla innī rasūlullāhi ilaykum musaddiqal limā bayna yadayya minat-tawrāti wamubasshirā birasūlin ya'tī mim ba'dismuhū ahmadu falammā jā'ahum bil-bayyināti qālū hādhā sihrum mubīn

6. (Xus) markuu Ciise, wiilkii Maryam, yidhi: Ilmahii Israa’iilow! Waxaan anigu ahay Rasuul Alle xaggiinna loo soo diray, rumeyn Towraadda (la soo dejiyey) hortay, idiinkuna bishaaraynaya Rasuul imaan gadaashay oo magaciisu yahay Axmad 2. Markiise uu ula yimid Xujooyin cad, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir cad.

وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ وَهُوَ يُدۡعَىٰٓ إِلَى ٱلۡإِسۡلَٰمِۚ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ ٧

Waman azlamu mimmaniftarā 'alallāhil-kadhiba wahuwa yud'ā ilal-islāmi wallāhu lā yahdil-qawmaz-zālimīn

7. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle isagoo loogu yeedho Islaamka? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.

يُرِيدُونَ لِيُطۡفِـُٔواْ نُورَ ٱللَّهِ بِأَفۡوَٰهِهِمۡ وَٱللَّهُ مُتِمُّ نُورِهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡكَٰفِرُونَ ٨

Yurīdūna liyutfi'ū nūrallāhi bi afwāhihim wallāhu mutimmu nūrihī walaw karihal-kāfirūn

8. Waxay doonayaan (gaaladu) inay Nuurka Alle (Xaqa) ku damiyaan afafkooda. Alle se waa taam yeeli Nuurkiisa haba naceen gaaladuye.

هُوَ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ رَسُولَهُۥ بِٱلۡهُدَىٰ وَدِينِ ٱلۡحَقِّ لِيُظۡهِرَهُۥ عَلَى ٱلدِّينِ كُلِّهِۦ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُشۡرِكُونَ ٩

Huwal-ladhī arsala rasūlahū bil-hudā wadīnil-haqqi liyuzhirahū 'alad-dīni kullihī walaw karihal-mushrikūn

9. Waa Kan la soo diray Rasuulkiisa (Muxammad) hanuunka iyo diinta Xaqa ah, si uu uga sare mariyo diimaha (khilaafsan) oo dhan, haba naceen mushrikiintuye.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ هَلۡ أَدُلُّكُمۡ عَلَىٰ تِجَٰرَةٖ تُنجِيكُم مِّنۡ عَذَابٍ أَلِيمٖ ١٠

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū hal adullukum 'alā tijāratin tunjīkum min 'adhābin alīm

10. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ma idin tusaa ganacsi idinka badbaadineysa cadaab xanuun badan.

تُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتُجَٰهِدُونَ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمۡوَٰلِكُمۡ وَأَنفُسِكُمۡۚ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ١١

Tu'minūna billāhi warasūlihī watujāhidūna fī sabīlillāhi bi amwālikum wa anfusikum dhālikum khayrul lakum in kuntum ta'lamūn

11. (Waa) inaad rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa (Muxammad) oo u jihaaddaan Jidka Alle idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinna, sidaasaa idiin khayr badan haddaad og tihiiin.

يَغۡفِرۡ لَكُمۡ ذُنُوبَكُمۡ وَيُدۡخِلۡكُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ وَمَسَٰكِنَ طَيِّبَةٗ فِي جَنَّٰتِ عَدۡنٖۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ ١٢

Yaghfir lakum dhunūbakum wayudkhilkum jannātin tajrī min tahtihal-anhāru wamasākina tayyibatan fī jannāti 'adnin dhālikal-fawzul-'azīm

12. Wuxuu idiin dhaafi denbiyadiinna, oo idin gelin Jannooyin ay webiyo hoos qul-qulaan iyo guryo wanaagsan oo ku dhex yaal Beeraha negaya (ee Jannada), kaas baa ah Liibaanta Weyn.

وَأُخۡرَىٰ تُحِبُّونَهَاۖ نَصۡرٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَتۡحٞ قَرِيبٞۗ وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٣

Wa ukhrā tuhibbūnahā nasrum minallāhi wafathun qarībun wabasshiril-mu'minīn

13. Arrin kaloo aad jeceshihiinna (wuu idin siin) gargaar xag Alle ah iyo guul dhow. Ee u bishaaree mu’miniinta.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُونُوٓاْ أَنصَارَ ٱللَّهِ كَمَا قَالَ عِيسَى ٱبۡنُ مَرۡيَمَ لِلۡحَوَارِيِّـۧنَ مَنۡ أَنصَارِيٓ إِلَى ٱللَّهِۖ قَالَ ٱلۡحَوَارِيُّونَ نَحۡنُ أَنصَارُ ٱللَّهِۖ فَـَٔامَنَت طَّآئِفَةٞ مِّنۢ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ وَكَفَرَت طَّآئِفَةٞۖ فَأَيَّدۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ عَلَىٰ عَدُوِّهِمۡ فَأَصۡبَحُواْ ظَٰهِرِينَ ١٤

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū kūnū ansārallāhi kamā qāla 'īsabnu maryama lil-hawāriyyina man ansārī ilallāhi qālal-hawāriyyūna nahnu ansārullāhi fa'āmanat tā'ifatum mim banī isrā'īla wakafarat tā'ifatun fa ayyadnal-ladhīna āmanū 'alā 'aduwwihim fa asbahū zāhirīn

14. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u gargaara (diinta) Alle, siduu ku yidhiba Ciise, ina Maryam, xertiisii Waa kuwee kuwa iigu gargaaraya (diinta) Alle? Xertii waxay yidhaahdeen: Innagaa ah u gargaarayaasha (diinta) Alle, Markaasay qayb ka mid ah ilmahii Israa’iil rumeeyeen, oo qayb kale gaaloobeen. Waxaana taageernay kuwii (xaqa) rumeeyey (oo ka adkaadeen) cadowgoodii, markaasay muuqdeen (oo ka taliyeen arlada).

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda As-Saff?

Suuradda As-Saff waxay leedahay 14 aayadood. Waa suuradda 61 ee Qur'aanka.

Suuradda As-Saff ma Makki baa mise Madani?

Suuradda As-Saff waa suurad Madani ah.

Suuradda As-Saff juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda As-Saff waxay ku jirtaa juz' 28.

Ma dhageysan karaa Suuradda As-Saff?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.