وَكَتَبۡنَا عَلَيۡهِمۡ فِيهَآ أَنَّ ٱلنَّفۡسَ بِٱلنَّفۡسِ وَٱلۡعَيۡنَ بِٱلۡعَيۡنِ وَٱلۡأَنفَ بِٱلۡأَنفِ وَٱلۡأُذُنَ بِٱلۡأُذُنِ وَٱلسِّنَّ بِٱلسِّنِّ وَٱلۡجُرُوحَ قِصَاصٞۚ فَمَن تَصَدَّقَ بِهِۦ فَهُوَ كَفَّارَةٞ لَّهُۥۚ وَمَن لَّمۡ يَحۡكُم بِمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ ٤٥
Wakatabnā 'alayhim fīhā annan-nafsa bin-nafsi wal-'ayna bil-'ayni wal-anfa bil-anfi wal-udhuna bil-udhuni was-sinna bis-sinni wal-jurūha qisāsun faman tasaddaqa bihī fahuwa kaffāratul lahū wamal lam yahkum bimā anzalallāhu fa ulā'ika humuz-zālimūn
45. Waxaana ugu qornay (Towraadda): in naf loo qaado naf 15, ilna il, sankana san, dhegtana dheg, iliggana ilig, Nabarradana waa in laysu dhaawac simo. Kiise sadaqeysta 16 waxaa loogu dhaafi denbigiisa. Qofkaan wax ku xukumin wuxuu Alle soo dejiyey, kuwaas weeye kuwa ah daalimiinta (gar diidka).
Faallooyin hoose
15. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma bannaana in la daadsho dhiig qof Muslim ah oo qira inuusan jirin la caabude xaq ah aan ahayn Allaah iyo inaan anigu ahay Rasuulkii Alle haddii uusan la iman seddex arrimoood middood: Qof horay u guursaday oo zineysta, ama qof loo dilo qof uu dilay, ama qof ka baxa diinta Islaamka oo ka taga kulanka Muslimka. w.w. Al-Bukhaari.
16. Iska saamaxa oo ka tanaasula xaqiisa Alle darti.