وَأَنَّهُۥ تَعَٰلَىٰ جَدُّ رَبِّنَا مَا ٱتَّخَذَ صَٰحِبَةٗ وَلَا وَلَدٗا ٣
Wa annahū ta'ālā jaddu rabbinā mat-takhadha sāhibatan walā waladā
3. Waxaa sarreeya Sharafta iyo Haybadda (Alle) Rabbigeen, ma uusan yeelan xaas iyo ilmo midna 1.
Faallooyin hoose
1. Waxay qaarkood rumeysnaayeen jinku inuu Allaah leeyahay xaas iyo ilmo, laakiin kaddib markay soo Islameen waa ka hareen odhaahdaasi xun iyo caqiidadaas gurracan oo ka hufeen Alle inuu leeyahay wiil ama gabdho ama shariigyo.