Suuradda Al-Imran, aayadda 75

3:75

۞ وَمِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ مَنۡ إِن تَأۡمَنۡهُ بِقِنطَارٖ يُؤَدِّهِۦٓ إِلَيۡكَ وَمِنۡهُم مَّنۡ إِن تَأۡمَنۡهُ بِدِينَارٖ لَّا يُؤَدِّهِۦٓ إِلَيۡكَ إِلَّا مَا دُمۡتَ عَلَيۡهِ قَآئِمٗاۗ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَالُواْ لَيۡسَ عَلَيۡنَا فِي ٱلۡأُمِّيِّـۧنَ سَبِيلٞ وَيَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ ٧٥

Wamin ahlil-kitābi man in ta'manhu biqintārin yu'addihī ilayka waminhum man in ta'manhu bidīnāril lā yu'addihī ilayka illā mā dumta 'alayhi qā'iman dhālika bi annahum qālū laysa 'alaynā fil-ummiyyina sabīlun wayaqūlūna 'alallāhil-kadhiba wahum ya'lamūn

75. Waxaa ka mid ah Ehlul-Kitaabka (Yuhuudda) mid haddaad ku aaminto maal tuuran kuu oofin; waxaana ka mid ah mid haddaad ku aaminto hal Diinnaar aan dib kuugu gudeyn inaad kor joogto ma’ahee adigoo dalbaya, waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Ma jirto korkeenna xagga kuwa aan aqoonta lahayn wax jid ah 'nalagu eedeeyo' 12; waxayna Alle ka sheegaan been iyagoo ogsoon.

Faallooyin hoose

12. Yuhuudda uma arkaan denbi inay khiyaameeyaan ama been u sheegaan dadka aan iyaga ahayn.