Suuradda Al-Hashr, aayadda 23

59:23

هُوَ ٱللَّهُ ٱلَّذِي لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡمَلِكُ ٱلۡقُدُّوسُ ٱلسَّلَٰمُ ٱلۡمُؤۡمِنُ ٱلۡمُهَيۡمِنُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡجَبَّارُ ٱلۡمُتَكَبِّرُۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشۡرِكُونَ ٢٣

Huwallāhul-ladhī lā ilāha illā huwal-malikul-quddūsus-salāmul-mu'minul-muhayminul-'azīzul-jabbārul-mutakabbiru subhānallāhi 'ammā yushrikūn

23. Waa Allaah, uusan jirin Ilaah kale (oo Xaq ah) Isaga maahee, waa Boqorka, Daahirka 9; Nabadgeliyaha, Ammaan bixiyaha 10, Kor ka Ilaashaha, Adkaadaha, Kabaha, (Sandulleeyaha islaweynayaasha), ee iska leh Weynaan oo dhan, Xurmo oo idil waxaa iska leh oo Hufan Alle wuu ka Sarreeya waxay shariig u yeelaan oo ay wax la wadaajiyaan.

Faallooyin hoose

9. Ceeb aan lahayn iyo wax nuqsaan ah ee Kaamilka ah ama Ammaanlaha.

10. Ama Bixiyaha Iimaanka ama Nabdoonida.