صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِمۡ غَيۡرِ ٱلۡمَغۡضُوبِ عَلَيۡهِمۡ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ ٧
Sirātal-ladhīna an'amta 'alayhim ghayril-maghdūbi 'alayhim walad-dāllīn
7. Jidka kuwa aad u Nicmaysay 3, aan aheyn (jidka) kuwa loo cadhooday 4 iyo (jidka) kuwa lunsan midna 5.
Faallooyin hoose
3. Kuwo Alle siiyey Galladdiisa waa Nabiyada, runlowyada, suubbanayaasha, iyo shuhadada.
4. Kuwa uu Alle u cadhooday waa kuwa iyagoo u cilmi leh aan ku camal falin diinta ee diida xaqa, sida Yuhuudda iwm.
5. Kuwa lunsan waa kuwo cilmi la’aan iska cibaadeysta iyagoo ku socda caqiidooyin gurracan sida Nasaarada iwm.