Suuradda Al-Bayyinah البينة

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

لَمۡ يَكُنِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ مُنفَكِّينَ حَتَّىٰ تَأۡتِيَهُمُ ٱلۡبَيِّنَةُ ١

Lam yakunil-ladhīna kafarū min ahlil-kitābi wal-mushrikīna munfakkīna hattā ta'tiyahumul-bayyinah

1. Kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo mushrikiinta ma ahayn kuwa ka tagaya (gaalnimadooda) intay uga timaado xujada cad.

رَسُولٞ مِّنَ ٱللَّهِ يَتۡلُواْ صُحُفٗا مُّطَهَّرَةٗ ٢

Rasūlum minallāhi yatlū suhufam mutahharah

2. Rasuul (Muxammad) ka socda xagga Alle oo akhriyaya waraaqo daahir ah.

فِيهَا كُتُبٞ قَيِّمَةٞ ٣

Fīhā kutubun qayyimah

3. Ay ku yaallaan xukunno wanaagsan.

وَمَا تَفَرَّقَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡهُمُ ٱلۡبَيِّنَةُ ٤

Wamā tafarraqal-ladhīna ūtul-kitāba illā mim ba'di mā jā'athumul-bayyinah

4. Kuwaa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) isma ay khilaafin oo kala tegin kaddib markii mooyaane ay Xujada cad u timid 1.

وَمَآ أُمِرُوٓاْ إِلَّا لِيَعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ حُنَفَآءَ وَيُقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُواْ ٱلزَّكَوٰةَۚ وَذَٰلِكَ دِينُ ٱلۡقَيِّمَةِ ٥

Wamā umirū illā liya'budullāha mukhlisīna lahud-dīna hunafā'a wayuqīmus-salawāta wayu'tuz-zakawāta wadhālika dīnul-qayyimah

5. Lama amrin waxaan aheyn inay caabudaan Alle keliya iyagoo u gooni yeelaya cibaadada oo toosan, iyo inay oogaan salaadda oo bixyaan Zakada, sidaas baana ah diinta toosan.

إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ فِي نَارِ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآۚ أُوْلَٰٓئِكَ هُمۡ شَرُّ ٱلۡبَرِيَّةِ ٦

Innal-ladhīna kafarū min ahlil-kitābi wal-mushrikīna fī nāri jahannama khālidīna fīhā ulā'ika hum sharrul-bariyyah

6. Xaqiiq, kuwa gaalooba oo ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta waxay dhex ahaan Naarta Jahannama iyagoo ku waaraya gudaheeda. Kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan uumanka.

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أُوْلَٰٓئِكَ هُمۡ خَيۡرُ ٱلۡبَرِيَّةِ ٧

Innal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti ulā'ika hum khayrul-bariyyah

7. Xaqiiq, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan uumanka.

جَزَآؤُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ جَنَّٰتُ عَدۡنٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ رَّضِيَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ وَرَضُواْ عَنۡهُۚ ذَٰلِكَ لِمَنۡ خَشِيَ رَبَّهُۥ ٨

Jazā'uhum 'inda rabbihim jannātu 'adnin tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā abadar radiyallāhu 'anhum waradū 'anhu dhālika liman khashiya rabbah

8. Abaalkooda Rabbigood agtiis ah waa Beero negaadi ah (Jannooyin) oo ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku waari weligood, Alle Raalli buu ka yahay, iyaguna Raalli ku yihiin. Sidaas waxaa leh qofkii ka baqa Rabbigi 'oo ka dhowrsada xumaha'.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-Bayyinah?

Suuradda Al-Bayyinah waxay leedahay 8 aayadood. Waa suuradda 98 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-Bayyinah ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-Bayyinah waa suurad Madani ah.

Suuradda Al-Bayyinah juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Bayyinah waxay ku jirtaa juz' 30.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-Bayyinah?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.