ثُمَّ أَنتُمۡ هَٰٓؤُلَآءِ تَقۡتُلُونَ أَنفُسَكُمۡ وَتُخۡرِجُونَ فَرِيقٗا مِّنكُم مِّن دِيَٰرِهِمۡ تَظَٰهَرُونَ عَلَيۡهِم بِٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِ وَإِن يَأۡتُوكُمۡ أُسَٰرَىٰ تُفَٰدُوهُمۡ وَهُوَ مُحَرَّمٌ عَلَيۡكُمۡ إِخۡرَاجُهُمۡۚ أَفَتُؤۡمِنُونَ بِبَعۡضِ ٱلۡكِتَٰبِ وَتَكۡفُرُونَ بِبَعۡضٖۚ فَمَا جَزَآءُ مَن يَفۡعَلُ ذَٰلِكَ مِنكُمۡ إِلَّا خِزۡيٞ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يُرَدُّونَ إِلَىٰٓ أَشَدِّ ٱلۡعَذَابِۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ ٨٥
Thumma antum hā'ulā'i taqtulūna anfusakum watukhrijūna farīqam minkum min diyārihim tazāharūna 'alayhim bil-ithmi wal-'udwāni wa in ya'tūkum usārā tufādūhum wahuwa muharramun 'alaykum ikhrājuhum afatu'minūna biba'dil-kitābi watakfurūna biba'din famā jazā'u man yaf'alu dhālika minkum illā khizyun fil-hayawātid-dunyā wayawmal-qiyāmati yuraddūna ilā ashaddil-'adhābi wamallāhu bighāfilin 'ammā ta'malūn
85. Haddana, waa isla idinka kuwa is-dila oo ka qixiya qaar idinka mid ah guryahooda, idinkoo isugu kaalmeyn denbi iyo colaad. Hadday idiin yimaadaanse iyagoo qafaal ah oo xidhan, waad madax furataan, iyadoo qixintooda ay xaaraan idinka ahayd. Ee ma waxaad rumeyney- saan qaar ka mid ah Kitaabka oo diidey- saan in kale oo ka mid ah 18? Muxuu yahay abaalka kuwa idinka mid ah ee sidaa sameeya (rumeeya Kitaabka qaar, diidana qaar) aan aheyn dulli nolosha adduunkan ah; Maalinta Qiyaamana waxaa loo celin cadaab tan ugu daran. Alle ma mooga waxaad falaysaan.
Faallooyin hoose
18. Dhammaan heshiiyadii iyo ballamahii ay galeen ilmo israa’iil ee ku xusan Aayadaha 83 iyo 84 waa ka baxeen oo khilaafeen. Waxaa taariikhda ku xusan in labadii qabiilood ee Yuhuudda ee ku nooleyd Madiina ee ahaa Banuu Quraydah iyo Banuu Nadiir uu ka dhexeeyey dagaal joogto ah, haddiise Yuhuudi ka tirsan labadan qabiilood ay qafaashaan qabiilo kale, sida qabiilada Aws oo xulufo la ahaa Banuu Quraydah, ama Khazraj oo xulufo la ahaa Banuu Nadiir waxay labada qabiiloba u kulmi jireen soo furashadiisa, waxay ahaayeen Yuhuuddu is eegato aan is oggoleyn.