Suuradda Al-Baqarah, aayadda 257

2:257

ٱللَّهُ وَلِيُّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يُخۡرِجُهُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَوۡلِيَآؤُهُمُ ٱلطَّٰغُوتُ يُخۡرِجُونَهُم مِّنَ ٱلنُّورِ إِلَى ٱلظُّلُمَٰتِۗ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ٢٥٧

Allāhu waliyyul-ladhīna āmanū yukhrijuhum minaz-zulumāti ilan-nūri walladhīna kafarū awliyā'uhumut-tāghūtu yukhrijūnahum minan-nūri ilaz-zulumāti ulā'ika ashābun-nāri hum fīhā khālidūn

257. Alle waa waliga 75 kuwa rumeysan. Wuxuu kaga saaraa mugdiyada xagga Nuurka 76. Kuwase aan (Xaqa) rumeysneyn gargaarayaashoodu waa shaydaammada Waxay kaga saaraan Nuurka xagga mugdiyada. Kuwaa weeye ehlu Naarka, gudaheeda bay ku dhex waari.

Faallooyin hoose

75. Wali waxaa halkan loola jeedaa difaace, taageere, gargaare, sokeeye, iwm.

76. Nuurka waa mid oo waa Xaqa, halka mugdiyada badan yihiin sida shirkiga, gaalnimada, shakiga, nifaaqa, macaasida, iwm.