Suuradda Al-Baqarah, aayadda 235

2:235

وَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ فِيمَا عَرَّضۡتُم بِهِۦ مِنۡ خِطۡبَةِ ٱلنِّسَآءِ أَوۡ أَكۡنَنتُمۡ فِيٓ أَنفُسِكُمۡۚ عَلِمَ ٱللَّهُ أَنَّكُمۡ سَتَذۡكُرُونَهُنَّ وَلَٰكِن لَّا تُوَاعِدُوهُنَّ سِرًّا إِلَّآ أَن تَقُولُواْ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗاۚ وَلَا تَعۡزِمُواْ عُقۡدَةَ ٱلنِّكَاحِ حَتَّىٰ يَبۡلُغَ ٱلۡكِتَٰبُ أَجَلَهُۥۚ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا فِيٓ أَنفُسِكُمۡ فَٱحۡذَرُوهُۚ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ حَلِيمٞ ٢٣٥

Walā junāha 'alaykum fīmā 'arradtum bihī min khitbatin-nisā'i aw aknantum fī anfusikum 'alimallāhu annakum satadhkurūnahunna walākil lā tuwā'idūhunna sirran illā an taqūlū qawlam ma'rūfan walā ta'zimū 'uqdatan-nikāhi hattā yablughal-kitābu ajalahū wa'lamū annallāha ya'lamu mā fī anfusikum fahdharūhu wa'lamū annallāha ghafūrun halīm

235. Ma jiro wax eed ahi oo idin saaran waxaad sarbeebtaan 68 ee la xiriira u doonashada guur haweenkaa ama aad ku qarsataan (doonistaa) nafahiinna, Alle wuu og yahay inaad xusi doontaan, hase ugu ballan qaadina si qarsoodi ah guur inaad ku dhahdaan maahee hadal wanaagsan, hana tala goosannina inaad guur gashaan jeer ay dhammaato (ciddadu) muddada la qabtay ee qoran. Ogaada inuu Alle og yahay waxa ku jira nafahiinna, ee ka digtoonaada. Ogaada inuu Alle yahay Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.

Faallooyin hoose

68. Waa haweenka ay ka dhinteen raggii qabay ama kuwo la furay furriin kama dambays ah, kuwase la furay furriin la soo ceshan karo ma aha in la doono ama xitaa si aan toos aheyn oo sarbeeb ah loogu muujiyo doonis guur.