Suuradda Al-Baqarah, aayadda 219

2:219

۞ يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡخَمۡرِ وَٱلۡمَيۡسِرِۖ قُلۡ فِيهِمَآ إِثۡمٞ كَبِيرٞ وَمَنَٰفِعُ لِلنَّاسِ وَإِثۡمُهُمَآ أَكۡبَرُ مِن نَّفۡعِهِمَاۗ وَيَسۡـَٔلُونَكَ مَاذَا يُنفِقُونَۖ قُلِ ٱلۡعَفۡوَۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَتَفَكَّرُونَ ٢١٩

Yas'alūnaka 'anil-khamri wal-maysiri qul fīhimā ithmun kabīrun wamanāfi'u lin-nāsi wa ithmuhumā akbaru min naf'ihimā wayas'alūnaka mādhā yunfiqūna qulil-'afwa kadhālika yubayyinullāhu lakumul-āyāti la'allakum tatafakkarūn

219. Waxay wax kaa weydiin Khamriga 64 iyo Qamaarka 65. Dheh: Waxaa labadaba ku jira denbi weyn iyo wax tar ay dadka u leeyihiin, denbigoodaase ka weyn waxtarkooda. Waxay ku weydiin maxay tahay inay bixiyaan. Dheh: Wixii dheeraad idinku ah. Sidaasuu Alle idiin ka dhigaa wax cad Aayadaha si aad uga fakartaan.

Faallooyin hoose

64. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Ma zineysto zaaniga isagoo mu’min ah, mana cabbo qof khamri markuu cabbayo isagoo mu’min ah, qofna wax ma xado markuu wax xadayo isagoo mu’min ah. Mana boobo oo wax ma dhaco isagoo mu’min ah”.

65. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii dhaarta oo ku yidhaahda dhaartiisa waa igu Allaat iyo Al-Cuzzaa ha yidhaahdo: Laa ilaaha illal Laah, qofkii ku yidhaahdana saaxiibki kaalay aan qamaarnee, ha ka joogo (qamaarka) oo ha la baxo sadaqo. W.w Al-Bukhaari.