۞ إِنَّ ٱلصَّفَا وَٱلۡمَرۡوَةَ مِن شَعَآئِرِ ٱللَّهِۖ فَمَنۡ حَجَّ ٱلۡبَيۡتَ أَوِ ٱعۡتَمَرَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِ أَن يَطَّوَّفَ بِهِمَاۚ وَمَن تَطَوَّعَ خَيۡرٗا فَإِنَّ ٱللَّهَ شَاكِرٌ عَلِيمٌ ١٥٨
Innas-safā wal-marwata min sha'ā'irillāhi faman hajjal-bayta awi'tamara falā junāha 'alayhi an yattawwafa bihimā waman tatawwa'a khayran fa innallāha shākirun 'alīm
158. Dhabtii Saffa iyo Marwa waxay ka mid yihiin calaamooyinka uu cayimay Alle. Ee qofkii u soo Xajiyaa Beytka (Makkah ku yaal) ama u soo siyaarta (Cumro inuu guto), ma jiro wax eed ah oo ka saarani inuu ku dawaafo labadaa (buur) dhexdood 32, qofkii iskiis u falana khayr, hubaal Alle waa Mahad naqe, wax kasta Ogsoon.
Faallooyin hoose
32. Mu’miniinta qaar waxay ka baqeen inay arritani tahay wax ka mid ah dhaqankii jaahiliyadda, markaasuu Alle sheegay in sacyigu ka mid yahay acmaasha diinta. Socodka iyo rucleynta toddobo jeer Safa iyo Marwa dhexooda marka la xajinayo ama la cumraysanayo, wuxuu Alle u sheegay inaysan denbi lahayn dawaafka labadaas buurood dhexdooda, waayo saxaabada qaarkood waxay ka dareemeen culays inay ku sacyiyaan halkaas, waayo waxay ahayd meel uu ka taagnaa sanam, oo waagii jaahiliyadda lagu sacyin jirey, si looga suuliyo dareenkaas buu Alle u soo dejiyey Aayaddaas.