وَٱتَّبَعُواْ مَا تَتۡلُواْ ٱلشَّيَٰطِينُ عَلَىٰ مُلۡكِ سُلَيۡمَٰنَۖ وَمَا كَفَرَ سُلَيۡمَٰنُ وَلَٰكِنَّ ٱلشَّيَٰطِينَ كَفَرُواْ يُعَلِّمُونَ ٱلنَّاسَ ٱلسِّحۡرَ وَمَآ أُنزِلَ عَلَى ٱلۡمَلَكَيۡنِ بِبَابِلَ هَٰرُوتَ وَمَٰرُوتَۚ وَمَا يُعَلِّمَانِ مِنۡ أَحَدٍ حَتَّىٰ يَقُولَآ إِنَّمَا نَحۡنُ فِتۡنَةٞ فَلَا تَكۡفُرۡۖ فَيَتَعَلَّمُونَ مِنۡهُمَا مَا يُفَرِّقُونَ بِهِۦ بَيۡنَ ٱلۡمَرۡءِ وَزَوۡجِهِۦۚ وَمَا هُم بِضَآرِّينَ بِهِۦ مِنۡ أَحَدٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَيَتَعَلَّمُونَ مَا يَضُرُّهُمۡ وَلَا يَنفَعُهُمۡۚ وَلَقَدۡ عَلِمُواْ لَمَنِ ٱشۡتَرَىٰهُ مَا لَهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ مِنۡ خَلَٰقٖۚ وَلَبِئۡسَ مَا شَرَوۡاْ بِهِۦٓ أَنفُسَهُمۡۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ ١٠٢
Wattaba'ū mā tatlush-shayātīnu 'alā mulki sulaymāna wamā kafara sulaymānu walākinnash-shayātīna kafarū yu'allimūnan-nāsas-sihra wamā unzila 'alal-malakayni bibābila hārūta wamārūta wamā yu'allimāni min ahadin hattā yaqūlā innamā nahnu fitnatun falā takfur fayata'allamūna minhumā mā yufarriqūna bihī baynal-mar'i wazawjihī wamā hum bidārrīna bihī min ahadin illā bi idhnillāhi wayata'allamūna mā yadurruhum walā yanfa'uhum walaqad 'alimū lamanishtarāhu mā lahū fil-ākhirati min khalāqin walabi'sa mā sharaw bihī anfusahum law kānū ya'lamūn
102. Waxayna raaceen waxay shayaadiintu been shubayeen 20 waqtiga xukunkii Sulaymaan. Sulaymaanna ma gaaloobin, shayaadiinta baase gaalowday, waxay bareen dadka sixir iyo wixii lagu soo dejiyey labadii Malag (ama boqor ama nin) ee Baabil, Haaruut iyo Maaruut, waliba labadaa cidna ma barin sixirka iyagoo horta ku yidhaahda maahee, innagu waxaanu nahay imtixaan, sidaa awgeed ha gaaloobin. Waliba markaa dadku waxay ka barteen labadaa waxay ku kala furi kareen nin iyo xaaskiis, kumana waxyeelleyn karin cidna Isagoo Alle idmo ma’ahee. Waxay barteen wax waxyeelleeyey oo aan wax tarin. Waxayna ogaayeen (Yuhuudda in) kii iibsadaa (oo doortaa sixir halka Kitaabka Alle) inaanu ku lahaaneyn wax saami ah Aakhirada. Xumaa qiimahii ay ku iibiyeen nafahooda, hadday ogaan lahaayeen.
Faallooyin hoose
20. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii u taga faal dhige wax sheega ama saaxir oo rumeysta waxa uu sheego waa qof ku gaaloobay waxa (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w.” w.w. An-Nisaa’i.