أَوۡ تَقُولُوٓاْ إِنَّمَآ أَشۡرَكَ ءَابَآؤُنَا مِن قَبۡلُ وَكُنَّا ذُرِّيَّةٗ مِّنۢ بَعۡدِهِمۡۖ أَفَتُهۡلِكُنَا بِمَا فَعَلَ ٱلۡمُبۡطِلُونَ ١٧٣
Aw taqūlū innamā ashraka ābā'unā min qablu wakunnā dhurriyyatam mim ba'dihim afatuhlikunā bimā fa'alal-mubtilūn
173. Ama aydaan u odhan: Waxaa wax la wadaajiyey (Alle cibaadada) aabbayaasha- yadii awal hore 10, waxaan innaguna aheyn durriyad timid iyaga kaddib; ee ma waxaad noo halaageysaa waxay faleen baadil raaca?
Faallooyin hoose
10. Si aanay u odhan mushrikiinta in aabbayaashood ay yihiin kuwa la wadaajiyey cid kale (cibaadada) Alle. Mana ay garaneyn inuu shirkigu yahay denbi iyo gef weyn iyo gardarro, ma garanayn dariiq kale aan ahayn inay raacaan aabbayaashood, sida awgeed waxay iyagu qabaan inaysan mudneyn cadaab sbabta gefka aabbayaashood.