Suuradda Al-Anfal, aayadda 24

8:24

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱسۡتَجِيبُواْ لِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ إِذَا دَعَاكُمۡ لِمَا يُحۡيِيكُمۡۖ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَحُولُ بَيۡنَ ٱلۡمَرۡءِ وَقَلۡبِهِۦ وَأَنَّهُۥٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ ٢٤

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanustajībū lillāhi walir-rasūli idhā da'ākum limā yuhyīkum wa'lamū annallāha yahūlu baynal-mar'i waqalbihī wa annahū ilayhi tuhsharūn

24. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ajiiba (baaqa) Alle iyo Rasuul(kiisa) markuu idiinku yeedho wax idin nooleeya 7, ogaadana inuu Alle kala dhex galo qofka iyo qalbigiisa, iyo in Xaggiisa la idin soo kulmin.

Faallooyin hoose

7. Wuxuu idiinku yeedhayaa jihaadka iyo dagaal galka si ay kor u ahaato Kelmedda Alle oo u cisoobaan muslimiinta, sidoo kale macnaha waxaa weeye wuxuu idiinku yeerayaa iimaanka iyo hanuunka iyo jihaadka, iyo arrin kasta oo lagu liibaano adduun iyo aakhiraba.