Suuradda Al-An'am, aayadda 140

6:140

قَدۡ خَسِرَ ٱلَّذِينَ قَتَلُوٓاْ أَوۡلَٰدَهُمۡ سَفَهَۢا بِغَيۡرِ عِلۡمٖ وَحَرَّمُواْ مَا رَزَقَهُمُ ٱللَّهُ ٱفۡتِرَآءً عَلَى ٱللَّهِۚ قَدۡ ضَلُّواْ وَمَا كَانُواْ مُهۡتَدِينَ ١٤٠

Qad khasiral-ladhīna qatalū awlādahum safahā bighayri 'ilmin waharramū mā razaqahumullāhuftirā'an 'alallāhi qad dallū wamā kānū muhtadīn

140. Waxaa khasaara dhab ah ku sugan kuwa u dilay carruurtooda caqli xumo aqoon la’aan darteed 10, xaaraameeyana waxa Alle uu siiyey, iyagoo ku been abuuranaya Alle. Way lumeen, mana aha kuwo hanuunsan.

Faallooyin hoose

10. Waxaa ka mid ahaa Carabta qaar ku sugnaa diintii Ibraahiim. Wuxuu Alle amray Ibraahiim inuu gowraco wiilkiisa Ismaaciil, kaddib waxay ka dhigeen madaxdii hoggaamineysey diintooda arrinka gowraca waxaan caddeyn sababta keentay, ilaa ay la wanaagsanaatay raaceenkoodii inay gowracaan ilmahooda Alle u dhowaansho darteed inkastoo sababta runta ay aheyd inay ka cararayeen faqri iyo ceydh.