Baro Islaamka

Casharka 2 ee 8

Waa kuma Alle?

Quraanka

قُلۡ هُوَ ٱللَّهُ أَحَدٌ ﴿١﴾ ٱللَّهُ ٱلصَّمَدُ ﴿٢﴾ لَمۡ يَلِدۡ وَلَمۡ يُولَدۡ ﴿٣﴾ وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ كُفُوًا أَحَدُۢ ﴿٤﴾

1. Dheh: Allaah waa Mid Keliya . 2. Allaah waa Sayidka Deeqtoon . 3. Ma dhalin , lamana dhalin . 4. Mana jiro axad u dhigma .

Al-Ikhlas 112:1-4Ka akhri Quraanka

ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡحَيُّ ٱلۡقَيُّومُۚ لَا تَأۡخُذُهُۥ سِنَةٞ وَلَا نَوۡمٞۚ لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ مَن ذَا ٱلَّذِي يَشۡفَعُ عِندَهُۥٓ إِلَّا بِإِذۡنِهِۦۚ يَعۡلَمُ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡۖ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيۡءٖ مِّنۡ عِلۡمِهِۦٓ إِلَّا بِمَا شَآءَۚ وَسِعَ كُرۡسِيُّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَۖ وَلَا يَـُٔودُهُۥ حِفۡظُهُمَاۚ وَهُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡعَظِيمُ ﴿٢٥٥﴾

255. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha iyo Maamulaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara Isagoo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah. Ma koobi karaan (uumankiisa) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu doono ma’ahee. Kursigiisu wuu ka ballaadhan yahay samooyinka iyo arlada, mana cusleeyaan ilaalintoodu , waana Sarreeyaha weyn .

Al-Baqarah 2:255Ka akhri Quraanka

فَاطِرُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ جَعَلَ لَكُم مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ أَزۡوَٰجٗا وَمِنَ ٱلۡأَنۡعَٰمِ أَزۡوَٰجٗا يَذۡرَؤُكُمۡ فِيهِۚ لَيۡسَ كَمِثۡلِهِۦ شَيۡءٞۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ ﴿١١﴾

11. (Waa) uumaha samooyinka iyo arlada wuxuu idiinka yeelay nafahiinna noocyo (lab iyo dheddig); xoolahana (sidoo kale) noocyo. Sidaasuu idinku tarmiyaa. Ma jiro wax la mid ah , waana Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.

Ash-Shura 42:11Ka akhri Quraanka

هُوَ ٱللَّهُ ٱلَّذِي لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ عَٰلِمُ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِۖ هُوَ ٱلرَّحۡمَٰنُ ٱلرَّحِيمُ ﴿٢٢﴾ هُوَ ٱللَّهُ ٱلَّذِي لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡمَلِكُ ٱلۡقُدُّوسُ ٱلسَّلَٰمُ ٱلۡمُؤۡمِنُ ٱلۡمُهَيۡمِنُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡجَبَّارُ ٱلۡمُتَكَبِّرُۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشۡرِكُونَ ﴿٢٣﴾ هُوَ ٱللَّهُ ٱلۡخَٰلِقُ ٱلۡبَارِئُ ٱلۡمُصَوِّرُۖ لَهُ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰۚ يُسَبِّحُ لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ﴿٢٤﴾

22. Waa Allaah, uusan jirin ilaah kale (oo xaq lagu caabudo) Isaga maahee, Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda. Waa Naxariistaha, Naxariista Badan. 23. Waa Allaah, uusan jirin Ilaah kale (oo Xaq ah) Isaga maahee, waa Boqorka, Daahirka ; Nabadgeliyaha, Ammaan bixiyaha , Kor ka Ilaashaha, Adkaadaha, Kabaha, (Sandulleeyaha islaweynayaasha), ee iska leh Weynaan oo dhan, Xurmo oo idil waxaa iska leh oo Hufan Alle wuu ka Sarreeya waxay shariig u yeelaan oo ay wax la wadaajiyaan. 24. Alle waa Abuuraha, uumaha wax waliba, sawiraha qaabsiiyaha ah. Isagaa leh Magacyada wanaagsan ee quruxda badan. Waxaa (Alle) Xurmo weyneeya oo ka hufa (xumaan) waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.

Al-Hashr 59:22-24Ka akhri Quraanka

Dhammaan casharrada