قُلۡ يَوۡمَ ٱلۡفَتۡحِ لَا يَنفَعُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِيمَٰنُهُمۡ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ ٢٩
Qul yawmal-fathi lā yanfa'ul-ladhīna kafarū īmānuhum walā hum yunzarūn
29. Dheh: Maalinta kala xukunku 9 ma anfaco gaalada iimaankoodu (markaas), lamana siiyo fursad (tawbad keen).
Faallooyin hoose
9. Maalinta kala baxa waa maalinta loo kala garsoori doono dadka oo dhan, waxaana loola jeedaa Maalinta Qiyaamaha.