إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِزِينَةٍ ٱلۡكَوَاكِبِ ٦
Innā zayyannas-samā'ad-dunyā bizīnatinil-kawākib
6. Waxaanu xaqiiq ku qurxinnay samada soke qurux xiddigaha ah 3.
Faallooyin hoose
3. Xiddigaha waxaa loo abuuray seddex waxyaalood: in lagu gano shayaadiinta, in lagu tilmaan qaato oo lagu garto jihooyinka iyo qurux ahaan samada soke.