قُل لِّلۡمُؤۡمِنِينَ يَغُضُّواْ مِنۡ أَبۡصَٰرِهِمۡ وَيَحۡفَظُواْ فُرُوجَهُمۡۚ ذَٰلِكَ أَزۡكَىٰ لَهُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ خَبِيرُۢ بِمَا يَصۡنَعُونَ ٣٠
Qul lil-mu'minīna yaghuddū min absārihim wayahfazū furūjahum dhālika azkā lahum innallāha khabīru bimā yasna'ūn
30. Waxaad ku dhahdaa mu’miniinta ha ka laabeen aragyadooda 'xaaraanta' 17, hana ilaashadeen xubnahooda gaarka ah 18, sidaasaa u daahirsan. Hubaal, Alle waa u Xog Ogaal waxay sameyn.
Faallooyin hoose
17. Iyagoo eegaya oo keliya waxa bannaan oo ka jeedinaya indhahood waxa aan u bannaaneyn in la eego.
18. Ha ka ilaaliyeen galmo xaaraan ah, iyo inay soo bandhigaan cawradooda, cawrada ninkana waa inta u dhexeysa xuddunta iyo jilibka, oo ha ka xafitaan sidoo kale ficillada aan bannaaneyn (galmooyinka xaaraanta ah).