Suuradda An-Nur, aayadda 3

24:3

ٱلزَّانِي لَا يَنكِحُ إِلَّا زَانِيَةً أَوۡ مُشۡرِكَةٗ وَٱلزَّانِيَةُ لَا يَنكِحُهَآ إِلَّا زَانٍ أَوۡ مُشۡرِكٞۚ وَحُرِّمَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٣

Az-zānī lā yankihu illā zāniyatan aw mushrikatan waz-zāniyatu lā yankihuhā illā zānin aw mushrikun wahurrima dhālika 'alal-mu'minīn

3. Zaanigu (dhillaygu) ma uu la galmo galo waxaan aheyn Zaaniyad (dhillo) ama Mushrikad (gaalad), Zaaniyaddana (dhillada) ma ay la galmo galaan waxaan aheyn zaani (dhillay) ama Mushrik (gaal), waana ka xaaraan mu’miniinta 'guursiga kuwaasi iyaga ah' 4.

Faallooyin hoose

4. Dadkaa oo kale (dhillada ama dhillayga) looma guurin karo mu’miniinta in maahee ay tawbad keeneen oo toosnaadeen oo laga arko isbeddel wanaagsan iyo hanuun. Waxaa sidoo kale lagu fasiray ninka zaaniga ah (dhillayga) ma guursado waxaan ahayn zaaniyad (dhillo) la mid ah ama gaalad, haweenta zaaniyadda ahina (dhillada) waxaa guursada uun zaani (dhillay) la mid ah ama gaal, waana laga xaaraanshay mu’miniinta guursiga kuwaasi iyaga ah.