Suuradda Al-Munafiqun المنافقون

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِذَا جَآءَكَ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ قَالُواْ نَشۡهَدُ إِنَّكَ لَرَسُولُ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ إِنَّكَ لَرَسُولُهُۥ وَٱللَّهُ يَشۡهَدُ إِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ لَكَٰذِبُونَ ١

Idhā jā'akal-munāfiqūna qālū nashhadu innaka larasūlullāhi wallāhu ya'lamu innaka larasūluhū wallāhu yashhadu innal-munāfiqīna lakādhibūn

1. Markay munaafiqiintu kuu yimaadaan (Nabi Muxammadow) waxay yidhaahdaan: Waxaanu marag ka nahay inaad tahay Rasuul Alle 1. Alle waa Og yahay inaad tahay Rasuulkiisa, Allena wuxuu marag ka yahay inay munaafiqiintu yihiin beenaalayaal.

ٱتَّخَذُوٓاْ أَيۡمَٰنَهُمۡ جُنَّةٗ فَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ إِنَّهُمۡ سَآءَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٢

Ittakhadhū aymānahum junnatan fasaddū 'an sabīlillāhi innahum sā'a mā kānū ya'malūn

2.Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaashaan. Oo sidaas uga weeciyaan (dadka) jidka Alle. Xumaa waxay falaan.

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ ءَامَنُواْ ثُمَّ كَفَرُواْ فَطُبِعَ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَهُمۡ لَا يَفۡقَهُونَ ٣

Dhālika bi annahum āmanū thumma kafarū fatubi'a 'alā qulūbihim fahum lā yafqahūn

3. (Arrin)kaasi waxaa ugu wacan inta rumeeyaan (af ahaan) bay haddana (hoosta) ka gaaloobaan, markaasaa quluubtooda la daboolay, sidaas awgeed wax ma fahmaan.

۞ وَإِذَا رَأَيۡتَهُمۡ تُعۡجِبُكَ أَجۡسَامُهُمۡۖ وَإِن يَقُولُواْ تَسۡمَعۡ لِقَوۡلِهِمۡۖ كَأَنَّهُمۡ خُشُبٞ مُّسَنَّدَةٞۖ يَحۡسَبُونَ كُلَّ صَيۡحَةٍ عَلَيۡهِمۡۚ هُمُ ٱلۡعَدُوُّ فَٱحۡذَرۡهُمۡۚ قَٰتَلَهُمُ ٱللَّهُۖ أَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ ٤

Wa idhā ra'aytahum tu'jibuka ajsāmuhum wa in yaqūlū tasma' liqawlihim ka annahum khushubum musannadatun yahsabūna kulla sayhatin 'alayhim humul-'aduwwu fahdharhum qātalahumullāhu annā yu'fakūn

4. Markaad aragto (munaafiqiinta) wuu ku cajab gelin muuqaalka jirarkooda; hadday hadlaanna, waad dhageysan hadalkooda, waxaad mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey 2 oo dhar la huwshay. Waxay moodi dhawaaq walba in iyaga loogu dan leeyahay. Waa iyaga cadowga, ee ka digtoonow. Allaha baabbi’iyee! Xaggee looga iilay (Xaqa)?

وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ تَعَالَوۡاْ يَسۡتَغۡفِرۡ لَكُمۡ رَسُولُ ٱللَّهِ لَوَّوۡاْ رُءُوسَهُمۡ وَرَأَيۡتَهُمۡ يَصُدُّونَ وَهُم مُّسۡتَكۡبِرُونَ ٥

Wa idhā qīla lahum ta'ālaw yastaghfir lakum rasūlullāhi lawwaw ru'ūsahum wara'aytahum yasuddūna wahum mustakbirūn

5. Marka lagu yidhaahdo (munaafiqiinta): Kaalaya, ha idiin denbi dhaaf dalbee Rasuulka Alle, waxay dib u jeediyaan madaxyadooda, oo arkeysaa iyagoo sii jeesanaya oo isla weyn.

سَوَآءٌ عَلَيۡهِمۡ أَسۡتَغۡفَرۡتَ لَهُمۡ أَمۡ لَمۡ تَسۡتَغۡفِرۡ لَهُمۡ لَن يَغۡفِرَ ٱللَّهُ لَهُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡفَٰسِقِينَ ٦

Sawā'un 'alayhim astaghfarta lahum am lam tastaghfir lahum lan yaghfirallāhu lahum innallāha lā yahdil-qawmal-fāsiqīn

6. Waa isugu mid haddaad u denbi dhaaf dalabto (Nabiyow) iyo haddaadan u denbi dhaaf dalbin. Marnaba Alle u denbi dhaafi maayo. Alle ma hanuuniyo qolada caasiyaasha ah (fallaagada).

هُمُ ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ لَا تُنفِقُواْ عَلَىٰ مَنۡ عِندَ رَسُولِ ٱللَّهِ حَتَّىٰ يَنفَضُّواْۗ وَلِلَّهِ خَزَآئِنُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَٰكِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ لَا يَفۡقَهُونَ ٧

Humul-ladhīna yaqūlūna lā tunfiqū 'alā man 'inda rasūlillāhi hattā yanfaddū walillāhi khazā'inus-samāwāti wal-ardi walākinnal-munāfiqīna lā yafqahūn

7. Iyaga weeye kuwa yidhaahda: Wax ha ku bixinnana kuwa la jira Rasuulka Alle, jeeray ka kala yaacaan. Alle baa iska leh khasnadaha samooyinka iyo arlada, munaafiqiintuse ma fahansana.

يَقُولُونَ لَئِن رَّجَعۡنَآ إِلَى ٱلۡمَدِينَةِ لَيُخۡرِجَنَّ ٱلۡأَعَزُّ مِنۡهَا ٱلۡأَذَلَّۚ وَلِلَّهِ ٱلۡعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِۦ وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ وَلَٰكِنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ لَا يَعۡلَمُونَ ٨

Yaqūlūna la ir raja'nā ilal-madīnati layukhrijannal-a'azzu minhal-adhalla walillāhil-'izzatu walirasūlihī walil-mu'minīna walākinnal-munāfiqīna lā ya'lamūn

8. Waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Markaan u laabanno Madiina, kan gobta ahi 3 wuxuu ka saari halkaa kan gunta ahi 4, Allaah baa se iska leh Sharaf iyo Cizoo dhan (sidaa awgeed waxay u ahaan cizo) Rasuulkiisa, iyo mu’miniinta, munaafiqiintuse ma oga.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُلۡهِكُمۡ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُكُمۡ عَن ذِكۡرِ ٱللَّهِۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ ٩

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā tulhikum amwālukum walā awlādukum 'an dhikrillāhi waman yaf'al dhālika fa ulā'ika humul-khāsirūn

9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Yeysan maalkiinnu iyo awlaaddiinnu idinka shuqlin Xusidda Alle (salaadda). Qofkii falaa sidaas, kuwaa weeye kuwa khasaaray.

وَأَنفِقُواْ مِن مَّا رَزَقۡنَٰكُم مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَ أَحَدَكُمُ ٱلۡمَوۡتُ فَيَقُولَ رَبِّ لَوۡلَآ أَخَّرۡتَنِيٓ إِلَىٰٓ أَجَلٖ قَرِيبٖ فَأَصَّدَّقَ وَأَكُن مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ١٠

Wa anfiqū mim mā razaqnākum min qabli an ya'tiya ahadakumul-mawtu fayaqūla rabbi lawlā akkhartanī ilā ajalin qarībin fa assaddaqa wa akum minas-sālihīn

10. Oo bixiya wax ka mid ah waxa aanu idin siinnay, inta aysan geeridu u iman midkiin oo markaas odhan: Rabbiyow! Maad muddo dhow dib ii dhigtid, markaa waxaan la baxayaa sadaqo oo ka mid ahaan kuwa wanaagga fala.

وَلَن يُؤَخِّرَ ٱللَّهُ نَفۡسًا إِذَا جَآءَ أَجَلُهَاۚ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ ١١

Walan yu'akkhirallāhu nafsan idhā jā'a ajaluhā wallāhu khabīru bimā ta'malūn

11. Alle se dib uma dhigo nafi marka ajasheed la gaaro. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-Munafiqun?

Suuradda Al-Munafiqun waxay leedahay 11 aayadood. Waa suuradda 63 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-Munafiqun ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-Munafiqun waa suurad Madani ah.

Suuradda Al-Munafiqun juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Munafiqun waxay ku jirtaa juz' 28.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-Munafiqun?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.