إِنَّمَا جَزَٰٓؤُاْ ٱلَّذِينَ يُحَارِبُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَيَسۡعَوۡنَ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُوٓاْ أَوۡ يُصَلَّبُوٓاْ أَوۡ تُقَطَّعَ أَيۡدِيهِمۡ وَأَرۡجُلُهُم مِّنۡ خِلَٰفٍ أَوۡ يُنفَوۡاْ مِنَ ٱلۡأَرۡضِۚ ذَٰلِكَ لَهُمۡ خِزۡيٞ فِي ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ ٣٣
Innamā jazā'ul-ladhīna yuhāribūnallāha warasūlahū wayas'awna fil-ardi fasādan an yuqattalū aw yusallabū aw tuqatta'a aydīhim wa arjuluhum min khilāfin aw yunfaw minal-ardi dhālika lahum khizyun fid-dunyā walahum fil-ākhirati 'adhābun 'azīm
33. Jazaha kuwa la dagaallama Alle iyo Rasuulkiisa 9 ee ku dadaala inay ku falaan fasahaad arlada wax kale maahee waa uun in la dilo ama la daldalo ama loo gooyo gacmahooda iyo addimahooda is dhaaf 10, ama laga fogeeyo arlada. Arrinkani waa dulli ku raaca adduunkan, Aakhirana waxay leeyihiin Cadaab daran.
Faallooyin hoose
9. Ku qaada dagaal Alle iyo Rasuulkiisa waxaa loola jeedaa kuwa sameeya oo la yimaada fadqallo, fowda, fasahaad iyo argagixin dadka ama khiyaano qaran ama jid gooyo, ama ku soo qaada weerar dawladda islaamka.
10. Goynta gacanta midigta iyo lugta bidix, oo hadduu mar kale fasahaadkaa oo kale falo waxaa laga goyn gacanta bidix iyo lugta midig.