Suuradda Al-Baqarah, aayadda 203

2:203

۞ وَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ فِيٓ أَيَّامٖ مَّعۡدُودَٰتٖۚ فَمَن تَعَجَّلَ فِي يَوۡمَيۡنِ فَلَآ إِثۡمَ عَلَيۡهِ وَمَن تَأَخَّرَ فَلَآ إِثۡمَ عَلَيۡهِۖ لِمَنِ ٱتَّقَىٰۗ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّكُمۡ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ ٢٠٣

Wadhkurullāha fī ayyāmim ma'dūdātin faman ta'ajjala fī yawmayni falā ithma 'alayhi waman ta'akkhara falā ithma 'alayhi limanit-taqā wattaqullāha wa'lamū annakum ilayhi tuhsharūn

203. Xusa Alle inta lagu jiro maalmaha tirsan 58; qofkii degdega si uu u tago labo maalmood gudahood 59, ma jiro wax denbi ah oo saaran, qofkiina dib u hara 60 ma jiro wax denbi ah oo saaran, (kani) waxaa iska leh kan iska jira (xumaha), oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.

Faallooyin hoose

58. Maalmo tirsan waa seddexda maalmood ee xiga maalinta Ciidda Adxada waana maalinta kow iyo tobnaad iyo maalinta labo iyo tobnaad iyo maalinta seddex iyo tobnaad , waxaana loo yaqaan ayaamu tashriiq maalmaha hilba waradka.

59. Waa maalinta 12aad ee Xajka.

60. Maalinta 13aad ee Xajka.