Suuradda Al-Anbiya, aayadda 92

21:92

إِنَّ هَٰذِهِۦٓ أُمَّتُكُمۡ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗ وَأَنَا۠ رَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُونِ ٩٢

Inna hādhihī ummatukum ummatan wāhidatan wa ana rabbukum fa'budūn

92. Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah 31, Oo Anigu 'Alle ah' waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda 'Anigoo keliya'.

Faallooyin hoose

31. Ummah waxaa loola jeedaa diin :hab nololeed ay jamaaco dhan wada qaataan oo raacaan, ama dhaqan iyo hannaan wanaagsan ay ummadi raacdo.