وَجَعَلُواْ لِلَّهِ مِمَّا ذَرَأَ مِنَ ٱلۡحَرۡثِ وَٱلۡأَنۡعَٰمِ نَصِيبٗا فَقَالُواْ هَٰذَا لِلَّهِ بِزَعۡمِهِمۡ وَهَٰذَا لِشُرَكَآئِنَاۖ فَمَا كَانَ لِشُرَكَآئِهِمۡ فَلَا يَصِلُ إِلَى ٱللَّهِۖ وَمَا كَانَ لِلَّهِ فَهُوَ يَصِلُ إِلَىٰ شُرَكَآئِهِمۡۗ سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ ١٣٦
Waja'alū lillāhi mimmā dhara'a minal-harthi wal-an'āmi nasīban faqālū hādhā lillāhi biza'mihim wahādhā lishurakā'inā famā kāna lishurakā'ihim falā yasilu ilallāhi wamā kāna lillāhi fahuwa yasilu ilā shurakā'ihim sā'a mā yahkumūn
136. Waxay qayb u yeelaan Alle 9, ka mid ah waxa uu abuuray ee beero iyo xoolo ah, oo yidhaahdaan: Kan waxaa iska leh Alle - sidaas bay ku andacoodaan, kanna waxaa iska leh sanamyadayada la wadaaga cibaadada. Marka waxay leeyihiin sanamayadooda ma gaaraan Alle, waxase (qayb ahaan loo yeelay) Alle wuxuu gaaraa sanamyadooda! Xumaa waxay xukumaan.
Faallooyin hoose
9. Qaybta uu Alle leeyahay waxay siinayeen fuqurada iyo masaakiinta oo ku bixinayeen howlaha sama falka, waxayse ay ugu talo galeen sanammada waxay siinayeen kuwa ilaaliya sanammada, oo ma siineyn fuqurada iyo masaakiinta. Caadadan wuu nacladay Alle.