Ayat an-Nur

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

۞ ٱللَّهُ نُورُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ مَثَلُ نُورِهِۦ كَمِشۡكَوٰةٖ فِيهَا مِصۡبَاحٌۖ ٱلۡمِصۡبَاحُ فِي زُجَاجَةٍۖ ٱلزُّجَاجَةُ كَأَنَّهَا كَوۡكَبٞ دُرِّيّٞ يُوقَدُ مِن شَجَرَةٖ مُّبَٰرَكَةٖ زَيۡتُونَةٖ لَّا شَرۡقِيَّةٖ وَلَا غَرۡبِيَّةٖ يَكَادُ زَيۡتُهَا يُضِيٓءُ وَلَوۡ لَمۡ تَمۡسَسۡهُ نَارٞۚ نُّورٌ عَلَىٰ نُورٖۚ يَهۡدِي ٱللَّهُ لِنُورِهِۦ مَن يَشَآءُۚ وَيَضۡرِبُ ٱللَّهُ ٱلۡأَمۡثَٰلَ لِلنَّاسِۗ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ ٣٥

Allāhu nūrus-samāwāti wal-ardi mathalu nūrihī kamishkawātin fīhā misbāhunil-misbāhu fī zujājatiniz-zujājatu ka annahā kawkabun durriyyun yūqadu min shajaratim mubārakatin zaytūnatil lā sharqiyyatin walā gharbiyyatin yakādu zaytuhā yudī'u walaw lam tamsashu nārun nūrun 'alā nūrin yahdillāhu linūrihī man yashā'u wayadribullāhul-amthāla lin-nāsi wallāhu bikulli shay'in 'alīm

35. Alle waa Nuuriyaha 25 samooyinka iyo arlada, tusaalaha Nuurkiisa 26 waa sida feynuus uu ku jiro nal, nalkuna uu ku jiro dhalo 27, dhaladana la moodo xiddig kaah badan, laga huriyey geed barakaysan, geed-zaytuun aan bari ahayn iyo galbeed midna, ay saliiddiisu u dhowdahay inay iska ifto walow uusan dab taaban, nuur lagu kordhiyey nuur, Alle wuxuu ku hanuuniyaa Nuurkiisa qofkuu doono. Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka. Alle wax walba waa Og yahay.

Faallooyin hoose

25. Alle waa kan bixiya iyo halka uu ka yimaado nuurka iyo hanuunka.

26. Hanuunkiisa uu ku galladeysto qalbiga addoonkiisa mu’minka ah.

27. Misbaax erey ahaan waxaa weeye liifad ololeysa oo ah gunta nalka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Akhri Suuradda An-Nur oo dhan

Su'aalo

Ayat an-Nur Qur'aanka xagee kaga jirtaa?

Ayat an-Nur waxay ku jirtaa Suuradda An-Nur, 24:35.