يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ ثُمَّ يَعۡرُجُ إِلَيۡهِ فِي يَوۡمٖ كَانَ مِقۡدَارُهُۥٓ أَلۡفَ سَنَةٖ مِّمَّا تَعُدُّونَ ٥
Yudabbirul-amra minas-samā'i ilal-ardi thumma ya'ruju ilayhi fī yawmin kāna miqdāruhū alfa sanatim mimmā ta'uddūn
5. Wuxuu (Alle) agaasimaa arrinka ka jira samada ilaa arlada, markaasuu arrinka Xaggiisa kor u aadaa Maalin qaddarkeedu yahay kun sano waxaad tirsataan ah 3.
Faallooyin hoose
3. Waa arrinka ay soo qaadaan malaa’igta. Aayaddan waxay muujineysaa awoodda Alle iyo Weynidiisa iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada.