Suuradda Al-Mu'minun, aayadda 60

23:60

وَٱلَّذِينَ يُؤۡتُونَ مَآ ءَاتَواْ وَّقُلُوبُهُمۡ وَجِلَةٌ أَنَّهُمۡ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ رَٰجِعُونَ ٦٠

Walladhīna yu'tūna mā ātaw wwaqulūbuhum wajilatun annahum ilā rabbihim rāji'ūn

60. Ah kuwa bixiya waxay bixiyaan (oo sadaqo ah ama fala camallo wanaagsan), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto 10 'inaan laga aqbalin, oo yaqiinsan' inay Rabbigood u soo noqon.

Faallooyin hoose

10. Waxaa la weydiiyey Nabiga s.c.w. in kuwaa ka baqa taasi ay yihiin kuwa wax xada ama zinaysta ama khamri cabba. Wuxuu yidhi: Ma aha kuwaasi, ee waa kuwa tukada salaadda, sooma oo wax sadaqeysta, haddana ka baqa in aan laga aqbalin.”