وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَبِٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَمَا هُم بِمُؤۡمِنِينَ ٨
Waminan-nāsi man yaqūlu āmannā billāhi wabil-yawmil-ākhiri wamā hum bimu'minīn
8. Waxaa ka mid ah dadka kuwo (munaafiqiin ah) yidhaahda: Waxaanu rumeysannahay Alle iyo Maalinta Aakhiro oo aan ahaynba mu’miniin 6.
Faallooyin hoose
6. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa lay amray inaan la dagaallamo dadka intay ka qiraan oo yidhaahdaan ma jiro ilaah xaq lagu caabudo aan ahayn Allaah, iyo in Muxammad yahay Rasuulkii Alle, hadday sidaas yidhaahdaan way iga ilaashadeen dhiiggooda iyo maalkooda, waxaan xaq (Islaam ama xaq dadow) ahayn, xisaabintoodana waxaa leh Allaah Kor ahaaye.” (W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim).