Suuradda Al-Baqarah, aayadda 44

2:44

۞ أَتَأۡمُرُونَ ٱلنَّاسَ بِٱلۡبِرِّ وَتَنسَوۡنَ أَنفُسَكُمۡ وَأَنتُمۡ تَتۡلُونَ ٱلۡكِتَٰبَۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ ٤٤

Ata'murūnan-nāsa bil-birri watansawna anfusakum wa antum tatlūnal-kitāba afalā ta'qilūn

44. Ma waxaad amraysaan samaan dadka oo hilmaameysaan nafahiinna 10 idinkoo akhriya Kitaabka? Miyeydaan wax fahmin?

Faallooyin hoose

10. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaa Maalinta Qiyaame la keeni nin oo lagu tuuri Naarta, markaasuu wuxuu ku dhex wareegaaleysan ehlu Naarka sida dameerka ugu wareegsado shiidkiisa, markaasay isugu soo ururi ehlu Naarka oo weydiin: Hebelow, ma waadan fari jirin samaanta oo reebi jirin xumaanta, markaasuu wuxuu odhan: Waxaan fari jirey samaanta mana fali jirin oo reebi jirey xumaanta anigaana fali jirey.”